Madaxweyne Buhari oo gurigiisa shaqada ka wada

Buhari Lahaanshaha sawirka .

Ka dib markii uu ka soo laabtay fasax caafimaad oo saddex billood ah oo uu ugu maqnaa magaalada London iyadoo aan la sheegin xannuunka haya, Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari ayaa hadda shaqada ka wada gurigiisa oo ku yaalla magaalada Abuja.

Afhayeenka madaxweynaha Malam Garba Shehu ayaa Idaacadda Focus on Africa radio ee BBC u sheegay in sababtu ay tahay dayactir laga wado xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne Buhari ayaa shalay khudbaddiisii ugu horraysay jeediyay tan iyo markii uu ka soo laabtay dalka UK Sabtidii, faahfaahinna kama bixinin xaaladdiisa caafimaad.

Madaxweynaha ayaa dadka Nigeria ugu baaqay in ay midoobaan, wuxuuna sheegay in uu dib u soo cusboonaysiin doono dagaaladda ka dhanka ah dhibaatada , sida dagaalka ka dhanka ah malayshiyada Boko Xaraam, qolyaha gooni ugoosadka raba ee bariga iyo isku dhacyada dhexmara beerolayda iyo xoolo dhaqatada.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Buhari: Xaaskeyga jikada ha ku ekaato