Degmada Shingaani oo kamid ah kuwii ka horeeyay caasimaddda Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa helay degmada Shingaani mar haddii ay dhisantay Muqdisho inteeda kale

Magaalada Muqdisho oo sanadihii ugu danbeeyay ay ka socdeen dib u dhis iyo dib u dayactirid lagu sameynayay goobihii ku burburay dagaalladii magaalada ka socday dhawr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay ayaa qayb ahaan soo celiyay bilicdii magaaladu lahayd.

Haseyeeshee waxa jira degmooyinka qaar oo wali uu ka muuqdo radaadkii ay kaga tageen hubkii la isku ridayay.

Degmada Shingaani oo ka mid ah kuwii ka horreeyay caasimadda Muqdisho ayaa wali waxaa ka muuqda burbur xoog leh, gaar ahaan dhismayaashii dawladda iyo kuwii shacabka inkastoo meelaha qaar dib u dhis lagu sameeyay.

Weriyaha BBC Ibrahim Maxamad Aadan oo toddobaadkan booqday degmadaasi ayaa warbixintan Muqdisho nooga soo diray.