Dadka reer Angola oo u dareerey goobaha codbixinta

Boqolaal qof ayaa maanta la arkayay iyaga safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta caasimadda dalka Angola ee Luanda, waxayna dadka markii ugu horeysey taariikhda dalkaasi soo dooranayaan madaxweyne aan ahayn Jose Eduardo Dos Santos oo muddo ka badan 38 sanno dalkaasi kasoo talinayay.

Dadka waayeelka ah ayaa ugu horeeya dadka codkooda dhiibanaya, iyada oo shaqooyinka dadka laga fasaxay si ay doorashada oga qeybqaataan.

Jawiga caasimadda ayaa ah mid degen, iyada oo ganacsiyada qaarkood ay si caadi ah u shaqaynayaan.

Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose Eduardo Dos Santos oo hadda xilka isaga dagaya ka dib 38 sano oo uu dalkaasi soo xukumayay.

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda hadda jirta Joao Lourenco ayaa la saadaalinayaa in uu si weyn ugu guuleysan doono doorashadan maadaamaa uu u sharaxanyahay xisbiga talada haya ee MPLA.

Haseyeeshee madaxweyne Dos Santos ayaa wali sii maamuli doono xisbiga MPLA, waxaana xubnaha qoyskiisa ay hayaan xilal aad muhiim u ah.

Image caption Qof codkiisa dhiibtey

Lourenco ayaa beeniyay in uu noqonayo madaxweyne maqaar saar ah haddii uu xilkaasi ku guuleysto.

Shaqo la'aanta ka jirta dalka ayaa ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee hareeyay doorashadan.

Musharaxa xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Unita, ayaa ah Isaias Henrique Ngola Samakuva, UNITA ayaa horey u ahayd jabhad muddo dheer ka dagaalamaysay dalka Angola, iyada oo ugu dambeyn la diley hoggaamiyehoodii Jonas Savimbi

Mucaaradka ayaa doorashii hore ku guuleystay 18% codadkii la dhiibtay, waxaana la eegi doonaa sida hadda wax u dhacaan. .

Doorashadan ayaa dadka reer Angola waxay ku soo dooran doonaan qofka noqonaya madaxweynaha dalka iyo xisbiga ay tahay in uu dalka xukumo.

Mowduucyada la xiriira