Nin saacado gudahood dil kaga badbaaday

Marcellus Williams Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Marcellus Williams

Barasaabka magaalada Missouri ayaa baajiyay xukun dil ah oo nin lagu fulin lahaa, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xukunkii lagu riday.

Amarka barasaabka ayaa soo baxay saacado uun ka hor markii dilka lagu fulin lahaa Marcellus Williams, oo 48 jir oo lagu helay in uu dilay Felicia Gayle sannadkii 1998, sida uu wargays ku warramay.

War qoraal ah oo uu soo saaray barasaab Felicia Gayle ayuu ku sheegay in "xukunka dilka ah uu yahay ciqaabta kama dmbaysta ah".

Qareennadii u doodayay Williams ayaa sheegay in hidda sidaha DNA loo yaqaanno ee laga helay qoriga dilka loo adeegsaday in uusan ahayn kii Williams.

"Si xukun dil ah loo fuliyo waxaa qasab ah in dadka gobolka Missouri ay ku kalsoonaadaan in habka xukunku u dhacay uusan daldalool lahayn. Ayuu tiri barasaab Greitens.

Haddii uu saaco soo daahi lahaa amarka uu gafarnatoorihu ku joojiyay, irbadda dadka lagu dilo ee lethal loo yaqaanno ayaa lagu duri lahaa Marcellus.

Qareenka gobolka ayaa ku dooday in inkastoo aan qoriga laga helin hidda sidaha ama DNA-da Marcellus haddana in ay ku filan tahay makhraatiyadii ay fureen dadkii goobjooga ahaa, sidaasna xukunka loogu fulin karo.