Qaranka Nigeria oo calmaday Ola Aina oo da'yarta England horay ugu soo dheelay

Ola Aina Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ola Aina

Ola Aina oo hadda amaah ahaan ula jooga naadiga Hull City ee ka dheesha koobka Championship-ka ayaa lagu soo daray xulka qaranka ee Nigeria oo bisha soocota la dheeli doonta dalka Cameroon ciyaar loogu soo baxayo koobka adduunka ee 2017ka.

Ola oo ku dhashay magaalada London ayaa u soo saftay xulka qaranka Englan ee da'doodu ka hoosayso 16ka ilaa iyo kuwo ay 20ka ka hoosayso.

Ola oo labaatan jir ah ayay seegtay ciyaar saaxiibtinimo oo ay la lahaayeen dalka Togo bishii Juunyo, maadaama oo aan la dhamaystirin qorshihii rasmiga ahaa ee uu ku badalan lahaa qaranka.

Bishii Maarso ayuu xulka Nigeria la tababartay ka dib markii ay xulka Senegal kula ciyaareen magaalada London.

Kabtanka Nigeria John Mikel Obi iyo Victor Moses oo reer Chelsea ah ayaa labadooduba ku soo laabtay qaranka ka dib markii ay dhaawac ku seegeen ciyaartii laga badiyay ee ay gurigooda kula yeesheen Koonfur Afrika bishii Juunyo, ciyaartaasi waxay ka tirsanayd isreebreebka koobka qaaradda Afrika ee 2019ka.