Xaaladda Yemen oo quus taagan

Goobihii caafimaadka ayaa intooda badan ku burburay duqaymaha
Image caption Goobihii caafimaadka ayaa intooda badan ku burburay duqaymaha

Cunnada oo aad u yar iyo dawada oo gabaabsi ah oo ay sababeen laba sanadood oo dagaal lagu hoobtay uu socday ayaa saamayn weyn ku yeeshay nolol maalmeedka. Wariyaha BBC Nawal al-Maghafi ayaa socdaal ku martay waddanka si ay indhaheeda ugu aragto raadkii uu reebay dagaalka.

Samiira waxay ku cararaysaa iskuul - iminka waa xarun macmal ah oo lagu daweeyo daacuunka - waana hooyo aad u ogsoon in aysan haysan wakhti badan oo ay ku badbaadiso ilmaheeda.

Si ay halkaa u gaarto waxay soo safartay 5 kiloomitir oo lug ah, waa qaabka kaliya ee ay ku imaan karto.

Waxaan fiiriyey ayadoo ku sii ordaysa mid ka mid ah miisaska dadka lagu daweynayo, waxayna si tartiib ah u saartay Orjowan oo ah cunugteeda 18ka bilood jirta, waxayna dhakhtarka weydiisatay inuu u badbaadiyo.

Indhaheeda ayaa xaqiiqda ka turjumayey, kaliya ma aha rajo beel ee waxaa ka muuqday daal la arki karo.

Samira, labadaas sano ayaa waxay si aan nasiino lahayn ugu jirtay dagaal aan dhamaad lahayn. Orjowan oo maqaarkeedu uu bayl cad noqday, aadna u weydoowday, waxay u ekaatay muuq ahaan kala bar dhumucda asaageed, feeraheeda ayaana dibadda u soo baxay caato daraadeed.

Si halka ay taallo loo keeno, reerkeedu waxay ka soo badbaadeen 3dii masiibo ee dagaalakan ugu waaweynaa: qax, gaajo iyo daacuun.

Image caption Jaantus

Sida xaaladda ay ku sugan yihiin ku dhowaad 3 malyan oo qof oo reer Yemen ah oo kale, Samira iyo qoyskeeda waa dad gudaha dalka ku barakacay.

Gurigooda waxaa ku dhacay duqayn cirka ah oo ay gaysteen xulafada uu sacuudigu hogaamiyo, kuwaasoo ka taageeraya xukuumadda dagaalka ay kula jirto fallaagada xuutiyiinta.

Caruurta Samira iyo ku dhawaad nus malyan kale oo ah carruur da'doodu ka yar tahay 5 sano ayaa waxaa haysta nafaqo darro aad u ba'aan. Samira naaska ma aysan siin karin Orjowan.

Taa beddelkeeda, waxa kaliya ee ay awoodday inay siiso cunugteeda ayaa ahaa waxoogaa yar oo caano-boore ah, kuwaasoo lagu qasay biyo wasakhaysan oo leh bakteeriyada dhalisa daacuunka.

Ayadoo jaleecaysa cunugteeda, ayey illin soo dhaaftay Samira.

"Haddii wax kaloo dheeraad ah uu jiro oo aan u samayn karo waan u samayn lahaa" ayey tiri. Marka ay hadlayso weli Orjowan miiska ayey saaran tahay, waxaana ku dhib ah inay ooydo.

Image caption Baaqii QM ay ku dalbatay $2.9 Bilyan, waxaa la bixiyey 39%

Kiiska Samira kaligeed kuma koobna, balse waa kii iigu horreeyey ee aan kula kulmo socdaalkayga Yemen.

Meel kasta oo aan tago waxaan ku arkay dad dhibban, muusannaabaya, oo difaac la'aan ah.

Dhulka ay fallaagadu gacanta ku hayso ee waqooyiga dalka waxaan ku booqannay goobo caafimaad oo midba kan ku xiga aan tegeynay. Dhamaantood waxaa ka buuxay dad daacuun la il darnaa. Xarumahaas mid ka mid ah waxaan ku arkay qoys 18 qof ka kooban oo dhamaantood uu xanuunku ku dhacay.

Laga yaabee inay kula silloonaato, laakin kuwaasi - siyaabo kale marka loo eego - waxay ahaayeen kuwo nasiib leh; dad awood u yeeshay inay safar soo galaan oo ay dawayn helaan.

In ka badan 2,000 oo qof ayaa la rumaysan yahay inay horeba ugu dhinteen daacuunka dillaacay oo ah kii ugu ba'naa ee dunida soo mara, waxaana la il daran 540,000 oo qof.

Image caption Jaantus

Dagaalka dartiis, in ka badan kala bar xarumihii caafimaadka ayaa la xiray ama qayb ahaan shaqaynaya, waxayna ka dhigeen 15 malyan oo qof kuwo aan haysan adeeg caafimaad.

Dhanka miyiga ayaan sii aadnay, waxaanan gaarnay tuulo goobta ugu sokaysa ee caafimaad loo soconayo saacad iyo bar.

Waxaan ku aragnay dad guryahooda jooga iyo kuwo jooga meel dadweyne la isugu keenay oo daadsan dhulka iyo sariiraha, dhamaantoodna waxaa ka muuqda astaamaha daacuunka.

Waxaan la hadlay Abdullah iyo walaashiis Hind, waxaaanan weydiiyey sababta aysan isbitaal u aadin. Si diciif ah ayuu iigu jawaabay.

"Ma haysanno lacag aan gaadiid ku raacno" ayuu yiri "dagaalku waxba nooma reebin" ayuu sii raaciyey.

QUUS

Walow Yementa casriga ah ay dadku u badnaayeen kuwo sabool ah, haddana xaaladdu sidan oo kale uma xumaan.

Dagaal labo sano iyo bar socday ayaa dhaliyey wax Qaramada Midoobay ay ugu yeertay mushaakilkii bani'aadminimo ee dunida ugu ballaarnaa.

7 malyan oo qof oo reer Yaman ah ayaa waxaa haysta hubaal la'aan ba'an oo xagga cunnada ah.

Image caption Jaantus

Afar meelood oo seddex 27ka Malyan ee Yemen ku nool waxay si uun ugu tiirsan yihiin kaalmo bani aadminimo. Meel kastoo aan maro dad tuugsanaya ayaa dariiqyada waxay u dhoobnaayeen si aanan waligeey dalka ku arag.

Intii aan gaariga ku dhex waday Xudayda waxaan la yaabay in tobanaan qof oo tuugsanaya ay daaqadda u soo dhowaadeen marka aan isgoys soo istaagay. Mid ka mid ah waxay ahayd islaan duq ah.

Image caption Afar meelood oo seddex dadku waxay si uun ugu tiirsan yihiin kaalmo bani aadminimo

Markii aan daaqadda gaariga dejiyey ayey igu tiri "Tani waa sida quusta ah ee ay na badeen! Wiilashaydu iminka wax mushaar ah ma qaataan. Maalmihii iigu dambeeyey dunidan waxay iigu dhamaanayaan anigoo iyaga u tuugsanaya si aan u quudiyo"

Ayadoo aan wax shaqaale ah mushaar la siin muddo sannad ka badan, ayey sheekadeedu la mid tahay sida kuwa malaayiinta qof ee reer Yemen ah ee noloshooda ay hoos ugu soo dhacday tuugsiga si ay u helaan wax ay quutaan iyaga iyo carruurtooda.

Xayiraad Daran

Xayiraadda ay Yemen ku soo rogeen xulafada Sacuudiga tan iyo 2015 ayaa hoos u dhigtay caddadkii cunnada, gargaarka iyo shidaalka ee dalka loo ogolaa oo ka dhigtay wax dhibic le'eg.

Waxoogaaga yar ee dhinaca badda lagu keeno ayaa waxay qaadataa todobaadyo in la dejiyo, sababtoo ah wiishashkii Xudayda - oo mar ahayd dekedda ugu mashquulka badan Yemen - ayaa ku burburay duqaymaha.

Wiishash cusub oo Maraykanku ugu deeqay barnaamijka cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Disembartii hore waxaa badda ku celiyey oo diiday in la keeno xulafada.

Image caption Jaantus

Intii aan joogay Xudayda waxaan la kulmay David Beasley oo ah Agaasimaha WFP oo ku guda jiray socdaal uu xaaladda ugu kuur galayey.

"Cunnada iyo gargaarka waa inay noqdaan hubka nabadda oo aan loo adeegsan in ay noqdaan hub dagaal" ayuu yiri, wuxuuna si welwel leh ugu sii daray "haddii wiishashkaas aysan imaan boqolaal kun oo carruur reer Yemen ah ayaa dhiman doona".

Marka laga yimaado alaabta yar ee dibadda laga keeno, xaayiraaddu waxay sare u qaadday lacagta suuqyada lagu geeyo badeecadaha, taasoo qaali ku ah dadka.

Image caption Ilaa 2,000 oo qof ayaa u dhintay daacuunka

Xataa hay'adaha gargaarka ayaa halgan ugu jira sidii ay lacag ugu bixin lahaayeen in gargaarka loo qaado, waayo waa in lacag badan lagu bixiyo gaadiidka qaadaya.

Inkastoo baaxadda iyo baahida ay ballaaran yihiin, gargaarka Qaramada Midoobay ay dalbatay ayaa 39% gaaray bartilmaameedkii ahaa $2.9 Bilyan.

Wasaaradda caafimaadka ee Yemen waxay sheegtay in xiritaanka garoonka dayaaradaha ee Sanca oo Fallaagadu gacanta ku hayso uu dhaliyey dhimashada 10,000 oo qof oo u dhintay xanuunno la dawayn karay, waayo ma aysan safri karin si ay u helaan daryeel caafimaad.

Xulafadu waxay sheegeen in xayiraaddu ay sii jirayso si loo xaqiijiyo in aan wax hub ah la soo galin Yemen, waxayna beeniyeen in ay dadka rayidka ah bartilmaameedsanayaan.

Image caption Cunno yarida ayaa carruurta ka dhigtay kuwo u nugul daacuunka

Meel kasta oo aad tagto dalka Yemen cunno yarida iyo dawo yarida ayaa gaarsiisan heer aan la malayn karin.

Sidaasoo ay tahayna, marka la eego xaqiiqda siyaasadeed ee dhanka dagaalka, dalku ma laha awooddii uu kula tacaamuli lahaa masiibo bani aadaminimo.

Dabcan taa micnaheedu ma ah in Xuutiyiinta iyo qolyaha la jira aan lagu eedeynayn masiibada ka taagan Yemen.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha waxay ku eedeeyeen dilka dad rayid ah iyo ku xadgudubka xeerarka dagaalka - eedeymahaas oo ay beeniyeen.

Fallaagada waxaa kaloo lagu eedeeyey inay is hor taageen in gargaarka la geeyo meelaha looga baahan yahay.

Image caption Isbitaallada Yemen waxaa ka tan badiyey kiisaska soo gaaraya

Ma garanayo waxa ku dhacay Samira iyo Orjowan, iyo sidoo kale Abdullah iyo Hind iyo dadka kale ee tuuladooda.

Masiibada daacuunka ayaa ah mid si sahlan loo daweyn karo, laakinse saacado gudahood loo dhiman karo hadii aan la daweyn.

Arrinta niyad-jabka weyn leh waxay tahay in masiibada bani aadminimo ee Yemen ay gabi ahaanba tahay dad-samee.

Dhibka aan aragnay waa mid laga hor tagi karo, maalmo gudahoodna lagu joojin karo haddii uu jiro rabitaan siyaasadeed oo ay la yimaadaan dhinacyada dagaallamaya iyo asxaabtooda dibadda ka taageeraysa.

Ayadoo diblomaasiyadda caalamiga ah ay ku guul darraysatay inay xal u hesho mushaakilka Yemen, ayaa nolosha dadka waddankaas waxay u muuqataa inay sii xumaan doonto.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Saameynta collaada Yemen ay ku yeelatay carruurta