Lix kooxood oo reer Britain ah oo sugaya isku aadka Champions League

Real Madrid ayaa sannadkii hore garaacday Juventus iyadoo sidaa ku noqotay kooxdii koobaad ee difaacata Champions League Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Real Madrid ayaa sannadkii hore garaacday Juventus iyadoo sidaa ku noqotay kooxdii koobaad ee difaacata Champions League

Lix kooxood oo reer Britain ah ayaa sugaya isku aadka horyaallada Yurub ee Britain oo toddobada fiidnimo ee Khamiista ka dhacaya Monaco.

Kooxda Chelsea ee difaacanaysa Horyaalka Ingiriiska, Tottenham oo kaalinta labaad gashay iyo Manchester City ayaa toos ugu gudbay koobka Champions League.

Intaas ka dibna waxaa ku soo biiray Manchester United oo ku soo guulaystay koobka Europa League.

Waxaa kale oo iyagana isreebreebka ku soo baxay Liverpool iyo kooxda Celtic.

Wareegga koobaad ee Horyaallada Yurub ayaa billaabanaya 12-13ka bisha Sabtembar.

Xilligii u dambeeyay ee lix kooxood oo Britain ka socda ay ka qayb galeen koobka Horyaallada Yurub wuxuu ahaa xilli ciyaareedkii 2007-08dii.