Tottenham oo dhamaystirtay soo iibsashada Sanchez

Sanchez Lahaanshaha sawirka Rex Features

Kooxda Tottenham ayaa dhamaystirtay qorshihii ay Ajax kagala soo wareegi lahayd Davinson Sanchez iyada oo ka bixinaysa 42 milyan oo gini oo ah lacagtii ugu badnayd ee ay abid ciyaartoy ka bixiso.

Ciyaartoygan reer Colombia ee 21 jirka ah ayaa ogolaaday in uu Tottenham u sixiixo qandaraas lix billood ah.

Hadda wuxuu sugayaa oo kali ah helitaanka ogolaanshaha shaqo.

Lacagtii ugu badnayd ee naadiga Tottenham ay ciyaaryahan ka bixiso wuxuu ahaa 30 milyan oo gini oo ay Newcastle kagala soo wareegtay ciyaaryahanka reer Faranse ee khadka dhexe ka dheela Moussa Sissoko, sannadkii 2016kii.

Sanchez ayaa noqonaya ciyaaryahankii labaad ee uu naadigu soo sixiixdo xagaagan, waxaana ka sii horreeyay gool haye Paulo Gazzaniga oo Arbacadii kaga yimid dhanka Southampton.

Sanchez wuxuu Ajax kaga soo biiray Atletico Nacional bishii Juunyo isaga oo u sixiixay qandaraas shan sano ah wuxuuna u saftay 32 ciyaarood.

Wuxuu sidoo kale ka soo dheelay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka Europa League oo ay guushu ku raacday Manchester United.

Bishii May ee sannadkanna waxaa loo magacaaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Netherlands ee sannadka.