30 qof oo ku dhintay duqayn ka dhacday Yemen

Yemen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saqafka hoteelka labada dabaq ka kooban ee ku yaalla Arhab ayaa duqeymaha ku burburay

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah oo isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo ay ka geysteen duleedka magaalada caasimadda ah ee Sanca, sida laga soo xigtay kooxaha caafimaadka iyo hay`ad gargaar.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay qarxiyeen hoteel ku yaalla degmada Arhab, oo ilaa 20km (13 meyl) dhanka waqooyi kaga beegan magaalada.

Duqeymo kale ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goobaha ay ku sugan yihiin mucaaradka ee koofur-bari dalkaasi.

Weli jawaab degdeg ah kama aysan bixin isbahaysiga, oo taageeraya dowladda madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi ee dagaalka kula jirta dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta.

In ka badan 8,167 qof ayaa ku dhintay 46,335 kalena way ku dhaawacmeen duqeymo dhanka cirka ah iyo dagaallo ka dhacay Yemen tan iyo bishii March 2015, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa sidoo kale baday 20.7 milyan oo qof inay u baahdaan gargaar bini`aadannimo, tan oo dalkaasi u horseedday cuno-yaraanta ugu daran dunida, isla markaana sababtay dillaacitaanka daacuunka oo la rumeysan yahay inay u dhinteen 2,000 oo qof tan iyo bishii April.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhinacyada dagaalka ku lugta leh aysan u turin rayidka

Madaxa Laanqeyrta Cas ee magaalada Sanca, Hussein al-Tawil, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 35 qof lagu dilay duqeymaha dhanka cirka ah ee laga geystay Arhab.

Wuxuu sheegay in kooxaha samatabixinta ay weli meydad ka soo saarayaan dhismaha hoteelka oo labo dabaq ka kooban, kaas oo ku yaalla meel u dhow bar koontarool oo ay leeyihiin Xuutiyiinta.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhaawacmay isla weerarkaasi waxaana loo qaaday isbitaalka, sida uu sheegay Tawil.

Weli ma cadda haddii dadka ku waxyeelloobay duqeymahaas ay yihiin rayid ama dagaal-yahannada, balse waxaa la sheegay in hoteelka uu hoy u ahaa shaqaale ka shaqeynayay beer Khaatku ka baxo.