Colaaddii Buuhoodle oo laga heshiiyey
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Colaaddii Buuhoodle oo la damiyey

Magaalada Buuhoodle waxaa dhowaan ka dhacay dagaal dhowr iyo toban qof ay ku dhinteen oo dhexmaray 2 beelood oo magaalada wada deggan.

Collaadda oo muddo gaaban socotay waxaa soo dhex galay oo ku guuleystay joojinteeda, iyo in heshiis laga gaaro salaadiinta iyo madaxda dhaqanka ee deegaanno ka kala tirsan Sool, Sanaag iyo Cayn, iyo qaar ka yimid ilaa Muqdisho.

Gaarad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka mid ah salaadiinta aadka looga xushmeeyo degaanka oo khadka telefoonka ugu warramay Axmed Cabdinuur isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa marka hore ka hadlaya nabadda ay dhex dhigeen labadii beelood ee dagaallamay.