Dad geeriyooday ka dib markii ay ceel ka cabeen
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhegeyso: Dad geeriyooday ka dib markii ay ceel ka cabeen

Deegaanka Timirshe oo ka tirsan degmada Isku Shuban ee gobolka Bari ee Soomaaliya wararka laga helayo waxay sheegayaan in ugu yaraan 9 qof ay geeriyoodeen, tobanaan kalena ay la il daran yihiin xanuun, ka dib markii la sheegay inay biyo ka cabeen ceel deegaankaasi ku yaal.

Dhibaatada ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay biyaha ay dadkaasi ceelka ka cabeen, inkastoo aan weli si sax ah loo baarin.

Siciid Abshir Maxamuud oo ah gudoomiye kuxigeenka deegaankaasi ayaan ka waraysanay sida wax u dhaceen. Mowliid Xaaji Cabdi uu u warramay.