Qarax ka dhacay Itoobiya

Sannadkii hore waxay mudaaharaadyo lagu dhintay ka dheceen gobollada Oromia iyo Amhara Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sannadkii hore waxay mudaaharaadyo lagu dhintay ka dheceen gobollada Oromia iyo Amhara

Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in 13 qof ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday garnayl oo ka dhacay magaalada Jimma ee gobolka Oromia.

Weli ma cadda cidda weerarka qaadday.

5 maalmood oo mudaaharaad ah ayaa gobolka looga dhawaaqay, kaasoo looga soo hor jeedo canshuurta lagu kordhiyey ganacsiyada yaryar, iyo xirxiridda siyaasiyiinta mucaaradka.

Meelaha qaarkood wuu ka hirgalay mudaaaharaadka, ayadoo dukaamada la xiray, gaadiidkana uu joogsaday.

Qaar ka mid ah gaadiidka dadweynaha ayaa la sheegay in waxyeello loo gaystay.

Mudaharaadyo lagu dhintay oo ka dhacay gobollada Oromia iyo Amhara ayaa horseeday in la soo rogo sannadkii hore xaalad degdeg ah. Horraantii bishan ayaa la qaaday.