Safiirkii Ruushka ee Suudaan oo geeriyooday

Suudaan

Safiirkii Ruushka u fadhiyay Suudaan Mirgayas Shirinsky, ayaa isaga oo Mayd ah laga helay baraag lagu dabaasho oo ku taalla guriga uu ka dagan yahay magaalada Khartuum.

Booliiska Suudaan wuxuu sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in uu si caadi ah u dhintay.

Wuxuu dublamaasiyadda Ruushka ka soo shaqaynayay muddo afartan sano ah.

Sannadkan horraantiisii waxaa isna si kadis ah u dhintay Vitaly Churkin, oo ahaa dublamaasi muddo dheer u soo shaqeeyay dalka Ruushka.

Isaga oo ah safiirka Qarammada Midoobay u fadhiya Ruushka ayuu ku geeriyooday miiskii shaqada ka dib markii uu wadnuhu istaagay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Vitaly Churkin, ayaa ahaa dublamaasi aad loo ixtiraamo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Farxiyo iyo aabaheed