Shiinaha oo dib u hawlgaliyay tareennada ugu orod dheer adduunka

Baaritaan lagu sameeyay wasaaradda tareenka ayaa lagu ogaaday in uu jiro musuqmaasuq baaxad leh Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Baaritaan lagu sameeyay wasaaradda tareenka ayaa lagu ogaaday in uu jiro musuqmaasuq baaxad leh

Tareennada oradka dheer ee Shiinaha ayaa mar kale loo qorsheeyay in ay noqdaan kuwa ugu dheereeya adduunka.

Tareennadan oradka dheer ayaa la yareeyay xawaaraha ay jaraan halkii saacba, sannadkii 2011kii ka dib markii ay dhaceen labo shil oo ay ku dhinteen afartan ruux.

Toddobaadka soo socda laga billaabo tareennada qaar waxaa loo ogolaan doonaa xawaare dheer iyagoo saacaddiiba loo ogolaan doono in ay ordaan 350 kiiloo mitir.

Xawaaraha ugu sarreeya waxa uu hal saac soo gaabinayaa safarka Beijing iyo Shanghai.

21 bisha Sabtembar todobo tareen oo kuwa dheereeya ah ayaa loo ogolaan doonaa in ay adeegsadaan xawaarahan sare ee la fasaxay.

Tareennada oo dhan waxaa lagu rakibay qaab cusub oo la hormariyay oo tareenka u ogolaanaya in uu si degdeg ah u istaago marka ay xaalad degdeg ah jirto.

Tareennada xawaaraha dheer oo shil galay sannadkii 2011kii ayaa horseedday baaritaan lagu sameeyay wasaaradda tareennada ee dalka Shiinaha, waxaana lagu ogaaday musuqmaasuq baaxad leh uu ka jiro halkaas.