FBI-da Mareykanka oo xirtay muwaadin Shiinaha u dhashay

hacking

Xubnaha hay'adda dembi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa waxa ay xabsiga dhigeen muwaadin u dhashay dalka Shiinaha oo loo haysto qorshe la xiriira barnaamij kuwa koombiyuutarada ay ku shaqeeyaan ah oo wax lagu xado.

Yu Pingan ayaa lagu xiray garoonka caalamiga ah ee Los Angeles kaddib markii uu Mareykanka u yimid inuu ka qaybgalo shir.

Waxaa lagu eedeynayaa in isaga iyo rag kale ay maleegeen qorshe ay ku adeegsanayeen barnaamij lagu magacaabo Sakula oo loo adeegsada in loogu dhaco koombiyuutarada.

Barnaamijkaasi ayaa la sheegay in loo adeegsaday in loo dhaco koombiyuutarada xafiiska maamulka shaqaalaha dowladda ee Mareykanka.

Arrintaasi oo dhacday sanadkii 2015-kii ayaa waxa ay ka mid ahayd dhicii ugu ballaarnaa ee dhanka koombiyuutarada ee Washington lala eegto, waxaana loo dhacay macluumaadka shakhsiyadeed ee in kabadan 20 milyan oo qof oo ka tirsan shaqaalaha dowladda Mareykanka.