Xisbiga haya talada Angola oo si wayn ugu horreeya doorashada

João Lourenço ka tirsan xisbiga MPLA ayaa codkiisa ka dhiibtay magaalada Luanda ee dalka Angola Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption João Lourenço ka tirsan xisbiga MPLA ayaa codkiisa ka dhiibtay magaalada Luanda ee dalka Angola

Xisbiga haya talada Angola ee MPLA ayaa codad aad u badan ka helay doorashadii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacay, sida ay muujinayso natiijada hordhaca ah.

Xisbigan ayaa helay 64.57% ka mid ah qaybta laga tiriyay codadkii la dhiibtay, sida uu sheegay guddiga doorashada ee Angola.

Unita oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ugu wayn dalkaasi ayaa la sheegay in uu helay 24.04% codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, balse muran ayuu ka keenay arrintaas.

Codadkii la dhiibtay todobaadkan ayaa soo afjaraya ku dhawaad afartan sano oo uu talada hayay madaxweyne José Eduardo Dos Santos.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashadii Arbacadii ay muujinayso in xisbiga talada haya ee MPLA uu hoggaanka haya iyadoo la tiriyay ku dhawaad saddex meeloodow labo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Codadkan oo la shaaciyay Khamiistii ayaa ka dhigan 70% ka mid ah coadadkii la dhiibtay, sida uu gudigu sheegay.

Haddii la xaqiijiyo in xisbiga MPLA uu guulaystay, markaas madaxweyne waxaa noqon doona wasiirkii difaaca João Lourenço oo si wayn loogu arko in loo sii magacaabay badalidda madaxweyne Dos Santos.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Maxaad kala socotaa xukunka iyo siyaasadda Angola