Markabkii ugu horreeyay oo ka gudbay Arctic isagoo aan lahayn qalabka barafka Jabiya

Markab Lahaanshaha sawirka SOVCOMFLOT

Markab ganacsi oo taangiyada qaada ayaa markii ugu horreysay ka shiraacday qadka waqooyi ee Yurub ee qabow isagoo u ambabaxay dhanka Aasiya, markabkaas oo aan sidan qalabka difaaca baraf burburiyaha.

Markabka oo dhererkiisu yahay 300 mitir laguna magacaabo Christophe de Margerie ayaa ah mid si gaar ah loo sameeyay wuxuuna qadkaasi ku maray lix iyo bar maalmood isgaoo rikoor cusub jebiyay, sida ay sheegeen milkiilayaasha markabka oo Ruushka u dhashay. Markabka ayaa wuxuu siday gaas uu ka soo qaaday Norway uuna u waday Kuuriyada Koofureed.

Cimilada qabow oo kor u sii kacaysa ayaa sare u qaadeysay ganacsiga badda ee qadkaasi.

Markabka oo ah mid fudud ayaa noqonaya markabka ganacsi ee ugu weyn, kaas oo awooda inuu ku safro baraf cufkiisu yahay ilaa 2.1m.

Shirkadda leh markabkan barafka dhex jibaaxa ee Sovcomflot, ayaa u adeegsan doona inay gaas uga qaadaan gacanka Yamal ayna u dhoofiyaan suuqyada Aasiya sanadkan.