Maxkamad xukun ku riday rag nin nool naxash ku riday

Willem Oosthuizen iyo Theo Jackson ayaa ku khasbay Victor Mlotshwa inuu galo naxashka maydka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Willem Oosthuizen iyo Theo Jackson ayaa ku khasbay Victor Mlotshwa inuu galo naxashka maydka

Laba nin oo ah beeraley caddaan ah oo lagu eedeeyey inay dagaal ku qaadeen oo ay ku khasbeen nin madow oo South Afrikaan ah inuu galo naxashka maydka, haddii kalana ay shidaal ku shubayaan oo ay nolosha ku gubayaan ayaa dambi lagu helay.

Willem Oosthuizen iyo Theo Jackson ayaa loo xiray dabayaaqadii sannadkii hore weerar ay u gaysteen Victor Mlotshwa oo ay ku riixeen naxash, ka dib markii ayku eedeeyeen inuu beer ku xadgudbay.

Victor Mlotshwa oo maxkamadda joogay waxaa ka muuqday qiiro markii uu xukunka dhacay, wuxuuna ku qancay in caddaalad ay shaqaysay.

Xaakimka dacwadda qaadaysay oo ahayd Sheila Mphahlele waxay sheegtay inay ku qanacday caddaymo ay dacwad oogayaashu keeneen oo ah in Victor la dili lahaa.

Dacwad oogayaashu waxay kaloo dalbadeen in la baabi'iyo damaanadii ay raggaas dibadda ku joogeen.

Xarigga nimankaas ayaa yimid markii uu soo baxay Vidiyow baraha bulshada ku faafay oo weerarka muujinayey, waxayna qirteen in ay doonayeen inay cashar u dhigaan ninkaas, balse waxay beeniyeen inay dili lahaayeen.