Ciidamo huwan ah oo dad ku laayey Bariirre
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin: Ciidamo huwan ah oo dad ku laayey Bariirre

Warar isa soo taraya ayaa ka imaanaya koofurta Soomaaliya, kuwaasoo la xiriira ugu yaraan 9 qof oo saaka lagu dilay deegaanka Bariirre ee gobolka Sh/hoose. Ciidamo ajnabi iyo Soomaali isugu jira ayaa wax laga saarayaa dilka dadkaas oo ilmo yar uu ku jiro.

Dawladda Soomaaliya oo hadal qoraal ah soo saartay waxay sheegtay, ayadoo la soo xiganayo Jeneraalka ugu sarreeya milateriga Soomaaliya Jen. Axmed Maxamed Jimcaale, in Milateriga Soomaaliya iyo "bahwadaagta caalamiga ah" ay hawlgal ka sameeyeen meel u dhow Bariirre arooryadii hore ee 25 Agoosto, ayna ku dileen 8 ka tirsan Al Shabaab.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in Ibraahim Cali oo ah guddoomiyaha Sh/hoose uu yiri "beerta Bariirre waxay ahayd xero Al Shabaab. Dadka dhintay intii uu dagaalku socday waxay ahaayeen Al Shabaab".