Maduro"Venezuela isuma dhiibi doonto Maraykanka

Madaxwayne Maduro Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxwayne Maduro

Madaxwaynaha dalka Venezuela Nicolás Maduro ayaa sheegay in baaritaan iyo falanqayn la sameeyay ay muujinayso in cunaqataynta dhaqaale ee Maraykanka ay dalkiisa kus oo rogeen ay saamayn balaaran ku yeelanyso dhaqaalha.

Madaxwayne Maduro ayaa xusay in cunaqabataynta ay horseedayso joojinta saliida loo dhoofiyo Maraykanka.

Mr Maduro ayaa talafishinka dalkaasi ka sheegay in uu qaadacayo cunqabataynta Maraykanka oo ku tilmaamay mid sharci daro ah oo daandansi ah.

"Venezuela isuma dhiibi doonto awooda gumaysiga,"ayuu yiri mr Maduro.

Madaxwayne Trump ayaa saxiixay cunaqabatayn cusub oo Maraykanka ay ku soo rogeen dalka Venezuela.

Amarka madaxwayne Trump uu saxiixay jimcihii ayaa ku qasbaya in la xiro shirkada shidaalka Citgo,oo saldhigeedu yahay Maraykanka islamarkana ah shirkada laga leeyahay Venezuelan.

Madaxwayne Maduro ayaa sheegay in go'aanka cunaqabataynta ay ku shaqa waayi doonaan muwadiniin Maraykan ah,islamarkana ay saamaynayso maalgashiga Maraykanka.

"Dhib kuma qabno in saliideena aan ka iibsano suuqyo kale,"ayuu yiri mr Maduro.

Wasiirka arrimaha dibadda,Jorge Arreaza ayaa dhankiisa sheegay in Maraykanka ay isku dayayaan in ay horseedaan dhibaato bina'aadanimo.

Maraykanka ayaa ku eedeeyay dowolada Mr Maduro in ay ku tumanayso xuquuqda aadanaha ayna minja xaabinayso dimuqraadiyada.