Bangladesh oo soohdinteeda ka celisay boqolaal Rohingya ah

Muslimiinta Rohingya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muslimiinta Rohingya ee ka cararaya Myanmar ayaa maciin-biday Bangladesh

Ciidamada ilaalada xuduudaha ee Bangladesh ayaa dib u celiyay in ka badan laba boqol oo ah Muslimiinta Rohingya, kuwaasoo kasoo cararay colaadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Mas'uuliyiinta Myanmar ayaa sheegay in ku dhawaad 90 qof lagu dilay weerarro la tuhunsan yahay in dagaalyahanno Rohingya ah ay ku qaadeen xarumo ay leeyihiin booliska iyo milateriga dalkaasi oo ku yaal gobolka Rakhine.

Booliska ilaalada xuduudaha ee Bangladesh ayaa sheegay in boqolaal Rohingya ah ay ku sugan yihiin gediga kale ee webiga Naf, kaasoo kala qeybiya labada waddan.

Laamaha ammaanka ee Myanmar ayaa lagu eedeeyay in tacaddiyo bani'aadannimada ka baxsan ay kula kacaan Muslimiinta Rohingya.

Hogaamiyaha xisbiga u taliya Myanmar, Aung San Suu Kyi, ayaa dhaleecaysay weerarrada lala beegsaday xarumaha laamaha ammaanka ee ku yaal gobolka Rakhine.

Aung San Suu Kyi ayaa qudheeda lagu dhaliilay inay dafirtay tacaddiyada lagu hayo dadka Rohingya ah ee dalkeeda ku nool.