Cabsida Fatahaado ku dhufta gobolka Texas oo sii koradhay

Rockport oo mid ka mid ah goobaha ay sida ba'an ugu dhufatay duufaanta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Rockport oo mid ka mid ah goobaha ay sida ba'an ugu dhufatay duufaanta

Barasaabka gobolka Texas ee dalka Maraykanka ,Greg Abbott, ayaa sheegay in walaaciisa ugu wayn uu yahay fatahaadaha soo rogmada xilli roobab dabeylo wata ay ka da'ayaan gobolkaasi .

Mr Abbott ayaa sheegay in magaalooyiinka Houston iyo Corpus Christi ay roobab xoogan ka da'een.

Houston,oo ah magaalada afaraad ee ugu wayn dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay ka da'aan roobab mahiigaan ah sida uu sheegay duqa magaaladaasi Sylvester Turner.

Ku dhawaad 4,500 oo ah maxaabiista ku jirtay xabsiga Houston ayaa laga daadgureeyay halkaasi ka dib markii biyaha wabiga Brazos ay sare u soo kaceen sida ay sheegeen saraakiisha.

Barasaabka gobolka Texas ,Greg Abbott,ayaa sheegay in uu isku dubariday 1,800 oo ah militariga dalkaasi si ay uga qayb qaataan howlaha gurmadka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Goobaha qaar magaalada Rockport burbur ayaa ka dhashay Duufaanta

Dadaalka gurmadka ayaa waxa ragaadiyay dabaylo xoogan oo wali halkaasi ka socda taasi oo adkaysay isu socodka.

Boqolaal kun ayay korantadu ka go'day gobolka ay duufaanta ku dhufatay ee Texas.

Dhimashada hal qof oo ku dhintay magaalada Rockport ayaa ilaa iyo imika la soo sheegay.

Duufaantan ku dhufatay gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in ay tahay tii ugu darnayd ee dalkaasi soo marta mudo 12 sano ah.