Kumanaan Shacabka Venezuela ah oo la barayo sida Hubka loo isticmaalo

Madaxwayne Maduro Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxwayne Maduro

Dowlada dalka Venezuel ayaa isku dubariday dhoolatus militari guud ahaan dalkaasi ,iyada oo kumanaan qof oo rayid ah la barayo sida loo isticmaalo qoryaha iyo qaabka gacanta loogu dagalamo.

Dowlada Venezuelan ayaa sheegtay in maalinkii kobaad ee dhoolatuskan ay ka qayb qaateen 200,000 oo ciidamada dalkaasi ah iyo 700,000 oo isugu jira rayid iyo ciidamada kaydka.

Dhoolatuskan militari ayaa ku soo beegmaya xilli Maraykanka ay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan dowlada madaxwayne Nicolas Maduro oo ay Maraykanka ku eedeeyen in ay ku tumanayso xuquuqda aadanha.

Maalintii Jimcaha,madaxwayneTrump ayaa saxiixay amar cunaqabatayn dhaqaale loogu soo rogayo dalka Venezuela.

Horraantii bishan ayuu sidoo kale madaxwayne trump sheegay in Maraykanka ay ka baaraandagayaan tillaabo militari oo laga qaado dalka Venezuela.

Madaxwaynaha Nicolas Maduro ayaa dhankiisa sheegay in marna aysan dadka reer Venezuela isu dhiibi doonin waxa uu ugu yeeray awooda gumaysiga.

Dalka Venezuela ayaa bilooyiinkii ugu dambeeyay wax ka socday dibad baxyo looga soo horjeedo dowladda madaxwayne Nicolas Maduro