Qaramada midoobe oo sheegtay in dad badan ay ka qaxayaan dalka Congo

Bilooyiin badan ayaa dagaal ka socday gobolka Kasai, Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Bilooyiin badan ayaa dagal ka socday gobolka Kasai,

Hay'ada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobe ayaa sheegtay in tirada dadka ka soo qaxaya dagaalada Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo ay laba laabmatay.

Hay'ada ayaa sheegtay in tirada lixdii bilood ee ugu dambeeysay ay gaartay ku dhawaad 4 milyan.

Dadkani ayaa intooda badan ka soo qaxay gobolka Kasai halkaasi oo maleeshi beeleed ay kula dagaalamayaan ciidamada dowlada ka dib markii la dilay nin hogaamiya u ahaa beeshooda.

Waxa jiray eedeeyn ku saabsan in dalkaasi ay ka socdaan dilal qarsoodi ah,kufsi iyo jirdil.

Hay'ada qaxootiga qaramada midoobe ee UNHCR ayaa u sheegtay wagaalada wararka Faransiiska in xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah barakacayaasha ay tahay mid aan la qiyaasi Karin.

Guud ahaan dad dhan 4 milyan ayaa lagu qasbay in ay gurayahooda ka barakacaan ka dib dagaalo is xig-xiga oo dalkaasi ka dhacay.