Kenya oo bacaha laga mamnuucay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya oo bacaha laga mamnuucay

Dalka Kenya waxa maanta si rasmi ah uga dhaqan geliya xeer lagu mamnuucay adeegsiga bacaha, waxaana qofkii lagu qabto isagoo isticmaalaya lagu ganacaaxayaa lacag laba milyan oo shilinka Kenya ah, oo u dhiganta toban kun oo doolar.

Hadaba isticmaalka bacuhu waxay ku faafeen dhamaan dalka Kenya oo aanay dadku uga maarmin in ay ku qaataan alaabooyinka yaryar ee ay suuqyada ka soo iibsadaan. Sababta loo mamnuucay ayaa waxay dawladda Kenya ku sheegtay in ay tahay khatarta ay bacdu ku hayso deegaanka iyo xoolaha. Meelaha ay bacdu saamaynta ku yeelatay waxa ka mid ah gobolka Soomaalidu degto ee Woqooyi Bari. Bashkas Jug Soodhacay ayaa warbixintan ka soo diyaariyey magaalada Gaarisa.