Boqol ruux oo wax kiimiko loo malaynayo lagaga daweeyay Britain

Dadka dhibaatadan la kulmay ayaa mantagay, cunaha iyo indhaha ayaana cuncunay oo xannuunay Lahaanshaha sawirka Eddie Mitchell
Image caption Dadka dhibaatadan la kulmay ayaa mantagay, cunaha iyo indhaha ayaana cuncunay oo xannuunay

In kabadan boqol ruux ayaa lagu daweeyay isbitaal ka dib markii ay wax kiimiko looga shakisan yahay ku faaftay xeebta bariga Sussex ee dalka Britain.

Xeebta Birling Gap ayaa dadka laga daadgureeyay Axaddii ka dib markii ay ka cawdeen in ay dhibaato ka haysato neefsiga, indhuhuna xannayaan, iyagoo mantagna intaas u dheeryahay.

Isbitaalka Eastbourne wuxuu sheegay in uu daweeyay 133 ruux.

Baaritaanno ayaa lagu samaynayaa waxa sababay "kiimikadan" aan ilaa hadda la garanaynin waxa sababay, sida uu sheegay booliiska degmada East Sussex ee dalka Britain.

Si kastaba ha ahaatee waaxda dabdamiska ee iyo samato bixinta ee East Sussex ayaa sheegtay "in ay aad u yartahay macquulnimada in waxani uu yahay chlorine.

Lahaanshaha sawirka Eddie Mitchell
Image caption Booliisku wuxuu sheegay in waxa badda ka soo baxaya uu saameeyay dadka
Lahaanshaha sawirka Eddie Mitchell
Image caption Shaqaalaha gurmadka degdega ah