Hindiya: Wadaadka kufsiga gaystay oo 20 sano lagu xukumay

Booliiska ayaa sheegay in loo fasaxay in ay toogtaan ciddii rabsho gaysata Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska ayaa sheegay in loo fasaxay in ay toogtaan ciddii rabsho gaysata

Wadaadka lagu muransan yahay ee dalka Hindiya oo Jimcihii lagu eedeeyay kufsi, ayaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Warbaahinta Hindiya ayaa sheegay in taageerayaasha Gurmeet Ram Rahim Singh ay gaari dab qabadsiiyeen kahor intaan xukunkiisa lagu dhawaaqin.

Rabshado Jimcihii ka dhacay magaalada Panchkula ee waqooyiga gobolka Haryana ayaa waxaa ku dhintay ilaa 38 qof.

Bandow ayaa lagu soo ragay agagaarka gobollada Haryana iyo Punjab, magaalada caasimadda ah ee Delhina feejignaan dheeri ah ayaa la galiyay.

Milatariga ayaa heegan la galiyay, booliiskuna waxay sheegeen in loo fasaxay in ay dadka toogtaan haddii ay rabshado sameeyaan.

Xabsiga Gurmeet la geyn doono oo ammaankiisa aad loo ilaalinayo ayaa saxafiyiin laga mamnuucay in ay u soo jirsadaan 1.5 kiiloo mitir.

Booliiska iyo milatariga ayaa joojiyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka magaalada Rohtak ee gobolka Haryana.

Iskuullada iyo Koleejyada ayaa sii xirnaan doona, Internetkii taleefanka gacantana oo la jaray Khamiistii waxaa hadda lagu sii kordhiyay 48 saac oo hor leh oo uu sii maqnaan doono.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Isku dhacyo rabshado wata ayaa Jimcihii ka dhacay Panchkula (muuqalkan waxaa duubay Sudeep Sachdeva)
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption 38 ruux ayaa ku dhintay rabshadaha