Dara Khosrowshahi oo loo doortay hogaanka Uber

Dara Khosrowshahi Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dara Khosrowshahi

Shirkadda takaasida ee Uber ayaa hogaanka u dhiibatay Dara Khosrowshahi, arrintaas oo soo afjartay saadaalintii billooyinka socotay ee ku saabsanayd cidda ay shirkaddu magacaabi doonto.

Guddiga maamula shirkadda Uber ayaa go'aankaas gaaray Axaddii, sida BBC loo sheegay, laakiin shirkaddu wali si rasmi ah uma shaacinin.

Khosrowshahi ayaa badalaya Travis Kalanick oo is casilay bishii Juunyo ka dib markii uu caddaadis kaga yimid dadka saamiyada ku leh.

Shirkadda ayaa la daalaa dhacaysa in ay hagaajiso sawirkeeda ka dib markii ay soo wajaheen fadeexado waawayn.

Waa kuma Khosrowshahi?

  • Wuxuu ku dhadshay Tehran 1969kii
  • Qoyskiisa ayaa u wareegay Maraykanka ka dib kacaankii Iiraan ee dhammaadki 1970yadii
  • Tan iyo sannadkii 2005tii wuxuu ahaa madaxa shirkadda Expedia
  • Sidoo kale tan iyo sannadkii 2015kii wuxuu ka mid ahaa guddiga maamula wargeyska New York Times
  • Wuxuu ka soo horjeedaa go'aankii madaxweyne Trump dalka Maraykanka kaga mamnuucay in ay u soo safraan dadka lix dal oo Muslimiintu u badan yihiin.
  • Wuxuu taageeray dacwaddii uu gobolka Washington ka gudbiyay amarkaas