Ciroolayaal isku calmaday magaalada Mandera

Cabdullahi Waayway iyo xaaskiisa Khadiijo Axmed Lahaanshaha sawirka BBC Somali
Image caption Cabdullahi Waayway iyo xaaskiisa Khadiijo Axmed

Wuxuu ahaa aroos lala dhacay oo ka dhacay magaalada Mandera. Waxaa loo dhigay Cabdullahi Ibraahim Robow oo loo yaqaano Cabdullahi Waayway, oo 80 sano jir ah, iyo xaaskiisa cusub oo 60 sano jir ah oo lagu magacaabo Khadiijo Axmed.

Arooska ayaa si wayn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo Mandera.

Cabdullahi Waayway ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay arooska, wuxuuna tilmaamay in haweeneyda 60 jirka ah ay u wanaagsan tahay uuna ku nasanayo.

Cabdullahi ayaa horey u soo guursaday afar xaas, wuxuuna dhalay 12 caruur ah.

Xaaskan cusub waa bahda seddaxaad ee hadda uu qabo, wuxuuna horey u furay labo.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Labo cirroole oo isku calmaday Mandheera
Lahaanshaha sawirka BBC Somali
Image caption Cabdullahi Waayway iyo Xaaskiisa
Lahaanshaha sawirka BBC Somali
Image caption Cabdullahi iyo Xaaskiisa iyo Gabdhiisa curadda ah, Faadumo