Shir ku saabsan qaxootiga oo Muqdisho ka furmay

Shirka waxaa lagu gorfeynayaa xalka qaxootiga dalka ku soo noqonaya Lahaanshaha sawirka BBC Somali
Image caption Shirka waxaa lagu gorfeynayaa xalka qaxootiga dalka ku soo noqonaya

Shirka wuxuu ka socdaa xarunta Xalane waxana ka qeybgalaya hay'adaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga iyo dowladda Soomaaliya.

Kumannaan qaxooti ah oo ka noqonaya xeryaha Kenya iyo Yaman ayaa gaarayay Soomaaliya dhowaanahan.

Kuwa ugu badan waxay ka noqdeen xeryaha Kenya ka dib markii uu bilowday barnaamijka dib u celinta qaxootiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo hay'adda UNHCR ayaa 2014-kii ku heshiiyay in qaxootiga Soomaalida eek u sugan Dhadhaab dib loogu celiyo dalkooda, ayagoo aan la qasbayn.

Bishii July oo keli ah, waxaa Soomaaliya ku noqotay 1,970 qof. 1430 ka mid ah waxay ka yimaadeen Kenya, halka 540 ay ka soo noqdeen Yaman.

Tirada guud ee qaxootiga ee Soomaaliya ku noqotay waxay gaareysaa 102,800 qof.

Lahaanshaha sawirka BBC Somali
Image caption Shirka wuxuu ka socdaa Xalane
Lahaanshaha sawirka BBC Somali
Image caption Qaar ka mid ah golaha wasiirada oo shirka xal u helidda arrimaha qaxootiga ka qeybgalaya
Lahaanshaha sawirka BBC Somali
Image caption Xarunta Xalane