Maxkamad go’aan ka gaareysa dad hilib dad cunay

Dibadbaxayaal ku sugan duleedka maxkamadda Lahaanshaha sawirka Nomsa Maseko
Image caption Dibadbaxayaal ku sugan duleedka maxkamadda

Afar qof ayaa maanta maxkamad la horgeynayaa kuwaas oo lagu eedeynayo inay haysteen hilib dad.

Dadka waxaa ka mid ah nin daawo dhaqameed sameeya oo lagu eedeeyay in macaamiishiisa uu siin jiray hilib dad.

"Wuxuu dadka u sheegi jiray in ay ku taajirayaan, guulna ay ku gaarayaan cunidda hilibka aadanaha."

Arrintan ayaa la ogaaday ka dib markii mid ka mid ah afarta qof uu tagay saldhig boolis, asigoo sita hilib dad.

Wuxuu ciidamada u sheegay in uu ka daalay cunidda hilibka aadanaha.

Markii su'aalo dheeraad ah la weydiiyay, wuxuu ninka ciidamada tusay lug iyo gacan oo uu sheegay inuu cunayay.

Booliska ayaa markaa ka dib ninka u raacay guri ku yaalla KwaZulu-Natal, halkaas oo maydad kale ay ka heleen.

Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan duleedka maxkamadda ayaa sheegtay in dibad baxyo ay ka socdaan duleedka maxkamadda.

Dadka isu soo baxay waxay dalbanayaan inaan damaanad lagu siidayn dadkaasi lagu eedeeyay inay hilib dad cuneen.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo nolosha Soomaalid Koonfur Afrika

Mowduucyada la xiriira