Myanmar Rakhine: Kumannaan u qaxay xadka Bangladesh

Myanmar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kumannaan dadka rayidka ah ayaa ka qaxay guryahooda ku yaalla gobolka Rakhine

Kumannaan qof ayaa ka qaxay guryahooda iyadoo ay sii xoogeysteen rabshado labo maalmood ka socday gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Xubno ka tirsan Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ayaa u baxsaday xadka dalka Bangladesh, balse ilaalada xadka Bangladesh ayaa dib u celinaya dadka.

Rabshado ayaa bilowday kaddib markii dagaal-yahannada Rohingya ay weerareen 30 saldhigyo booliis Jimcihii, iyadoo isku dhacyana ay bilowdeen Sabtidii.

In ka badan 100 qof oo badankood kacdoon waday ayaa lagu soo warramayaa in la dilay.

Gobolka Rakhine, oo ah gobolka ugu saboolsan dalka Myanmar (oo sidoo kale loo yaqaanno Burma), ayaa hoy u ah in ka badan hal milyan oo qof oo ka soo jeeda qowmiyadda Rohingya.

Waxay gudaha Myanmar oo laga aaminsan yahay diinta Budhism-ka ku wajahaan xayiraad adag, iyadoo xiisadda kala dhexeysa bulshada ku xooggan dalkaasi ay soo jiitameysay muddo sanado ah.

Tobnaan kun oo ka tirsan Rohingya ayaa hore ugu qaxay Bangladesh, iyagoo ku eedeynaya maamulka Myanmar inay qowmiyad ahaan u beegsato.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliis aad u hubeysan ayaa maamula qaybo ka tirsan Rakhine

Booliiska Bangladesh ayaa sheegay inay ku qasbeen 70 qof inay dib ugu laabtaan Myanmar Sabtidii kaddib markii ay ka war heleen inay u socdaan xero qaxooti, iyagoo Bangladesh ka galay xadka Ghumdhum.

Balse ilaa 3,000 oo Rohingya ah ayay u suurto gashay inay dalkaasi galaan oo ay magangalyo ka helaan magaalooyin iyo xeryo ku yaalla dlkaasi.

Dhanka kale, ilaa 4,000 oo qof oo aan Muslimiin ahayn oo ku sugan Rakhine ayay ciidamada dalkaasi ka saareen gobolkaasi iyagoo ammaankooda u baqay. Lix qof ayaa lagu dilay rabshadaha halkaasi ka socda.

Waa rabshadihii ugu cuslaa ee ka dhaca gobolka Rakhine tan iyo bishii October 2016, markaas oo sagaal nin oo booliis ah lagu dilay bar-koontaroollada xadka dalkaasi. Dowladda ayaa sheegtay in weerarradaasi ay qaadeen koox ka tirsan dagaal yahannada Rohingya.

Weerarradaasi ayaa horseeday ugaarsi ay milatarigu ku beegsanayaan qowmiyadda iyagoo u geysanayay dil, kufsi iyo jirdil.