Saraakiil ka socota Britain oo ku sugan Brussels oo wada hadallo ay ka furmayaan

Brexit Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption David Davis iyo Michel Barnier, oo isla sawiran markii ay socdeen wada haddaladii bishii July

Wada hadallo rasmi ah ayaa lagu wadaa inay goor dambe dib uga bilowdaan magaalada Brussels ee dalka Jarmalka, iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha Britain ay ku boorrinayaan Midowga Yurub inay muujiyaan dabacsanaan.

Xoghayaha Britain u qaabilsan ka bixitaanka Yurub David Davis ayaa doonaya in la ballaariyo wada xaajoodyada oo lagu soo daro ganacsiga.

Balse Midowga Yurub ayaa sheegaya in xoogaa horumar ah laga gaaray arrinta xuquuqda muwaaddiniinta, xadka Ireland iyo sharciga furriinka kahor inta aan wada hadallada la ballaarin.

Labada dhinac ayaa sheegay inuusan jirin wax rasmi ah oo ka soo baxay wareeggii saddexaad ee wada hadallada.

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay Britain inay si aan jirin uga fekereyso arrinta xadka Ireland.

UK ayaa dhankeeda sheegtay in Midowga Yurub ay ka badbadinayaan dalabaadkooda dhaqaalaha.

Davis ayaa la filayaa inuu sheego in danta UK ay tahay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro dadka iyo ganacsiyada gudaha Yurub.

Madaxa dhexdhexaadiyeyaasha Guddiga Yurub Michel Barnier ayaa barta Twitter-ka ku sheegay toddobaadkii hore in diiradda wareegga saddexaad ee wada xaajoodyada ay noqon doonto ka bixitaanka.