Hindiya oo ciidamadeeda kala baxday dhul uu muran kala dhaxeeyo Shiinaha

Hindiya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sarkaal Hindi ah oo ku sugan xadka Shiinaha

Shiinaha ayaa sheegaya in Hindiya ay ciidamadeeda kala baxday dhul xad ah oo lagu muransan yahay kaas oo ku yaalla gobolka Himalaya, arrintan oo soo afjartay xiisad toddobaadyo taagneyd.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in dhammaan ciidamadii amar la`aanta ku joogay halkaasi ay dib ugu gurteen dhanka xadka Hindiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Hindiya ayaa dhankeeda xaqiijisay in ciidamadeeda ay kala baxday Doklam kaddib heshiis ay labada dal gaareen.

Muranka labadan dal ayaa bulowday bartamihii bishii June markii Hindiya ay ka soo horjeesatay tallaabada Shiinaha uu ku ballaarinayo waddo xuduudd ah.

Deegaanka ayaa loo Hindiya looga yaqaannaa Doklam halka Shiinahana looga yaqaanno Donglang.

Warkan ayaa soo baxay toddobaad kahor booqashadii uu Shiinaha ku tegay raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Deegaanka oo ku yaalla kala bare u dhaxeeya Shiinaha, gobolka Sikkim ee ku yaalla waqooyi-bari Hindiya iyo boqortooyada Bhutan, ayaa waxaa ku muransan xukuumadaha Beijing iyo Bhutan. Hindiya ayaa taageertay sheegashada Bhutan.