West Brom oo diiday in 23 milyan oo gini laga siisto Jonny Evans

Jonny Evans Lahaanshaha sawirka Getty Images

Leicester City ayaa laga diiday dalab 23 milyan oo gini ah oo ay ku doonaysay Jonny Evans oo khadka dhexe uga dheela kooxda West Brom.

Naadigan lagu naanayso Foxes ayaa horraantii xagaagan laga diiday in ay 10 milyan kula wareegaan 29 jirkan u soo ciyaari jiray Manchester United, intaas ka dibna dalabkii ayay mar kale soo cusboonaysiiyeen.

Kooxda West Brom ayaa sheegtay in lacagtan dambe ee loo soo bandhigay ay ka hoosayso qiimaha uu agtooda ka joogo.

Naadiga West Brom ayaa sidoo kale labo jeer diiday dalabyo kaga yimid kooxda Manchester City oo isla ciyaaryahankan danaynaysay, mid ka mid ah labadaas dalabna waxay soo bandhigtay 18 milyan oo gini.

Evans ayaa ka maqnaa ciyaartii ay West Brom barbaraha 1 iyo 1-ka ah la gashay Stoke City Axaddii.

Manchester City ayaa hadda isku dayaysa in ay soo iibsato Eliaquim Mangala oo ah ciyaartoy dalka Faransiiska u dhashay oo 26 jir ah.