Kaydka heesihii qaraamiga ahaa ee Soomaalida oo dib boorka looga jafay

Xubno ka tirsan kooxdii Waaberi oo masraxa fuushan sanadkii 1970aadkii , magaalada Muqdisho Lahaanshaha sawirka Vintage Somalia Archives
Image caption Xubno ka tirsan kooxdii Waaberi oo masraxa fuushan sanadkii 1970aadkii , magaalada Muqdisho

Helitaanka kaydka fanka dahabiga ah ee casrigii fanka Soomaaliya ayaa ah xusuus qiimo badan oo ku saabsan waayihii qadiimiga ahaa ee fanka Soomaalida uu caadaas marayay sida ay qormadan ku faahfaahineyso wariyaha BBC-da Yaasmiin Axmed.

Tobonaankii sano ee lasoo dhaafay, Soomaaliya waxa ay ku caan baxday xasilooni darro iyo faqrinimo.

Balse inkasta oo aflaamtii Hollywood-ka ee dhawaanta laga jilay arrimaha Soomaalida sida filimkii Captain Philips iyo Black Hawk Down ay Soomaaliya u muujinayay sidii dal dagaalo sokeeye halakeeyeen iyo burcad badeednimo casri ah. Haddana dadkii Muqdisho ku noolaa sannadihii toddobaatanaadkii waxa ay kuu sheegayaan qiso taasi ka duwan.

Guryaha qadiimiga ee nuurada marsantahay ee xeebta ku yaala , maqaayadaha bunka laga cabo iyo hoteelada geedka qunbaha ka hor baxay ee waddooyinka ku teedsan, iyo astaamo kale ayaa ka mid ahaa waxyaabaha ay caanka ku ahayd magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Raggu waxa ay lahaayeen timo tuuran ama waxa loo yaqaano Afro, saraawiisha waxa ay ahaayeen nooca holofka ka ah xagga hoose, halka dumarka ay xiran jireen duruuc iyo baati xariir ah , madaxoodana uu daboolan yahay inta badan.

Waxaa jira cadaymo muujinaya ganacsigii faca weynaa iyo dadyoowgii kala duwanaa ee reer guuraga ahaa ee magaalooyinka soo galayay, waxaadna ka arki kartaa naqshadaha guryaha , waxayna arrimahan saamayn balaaran ku lahaayeen fankii xiligaasi.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
The Iftiin band perform Anaa Qaylodhaankaan

Soomaalida qurbaha ku nool ee dalka ugu dambaysay muddo hore waxa ay hadda fursad u haystaan in ay ku nafisaan dib u milicsiga xusuustii waayihii hore kadib markii la soo heley keydka 10,000 cajal oo heesihii qaarimiga ahaa oo uu soo heley ninka lagu magacaabo Vik Sohonie, wuxuuna ka heley magaalada Hargaysa

Lahaanshaha sawirka Hibo Nuura
Image caption Xiddigada Hibo Nuura waxa ay ka mid ahayd fanaaniintii caanka ahaa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Xuska heesaha qaraamiga iyo Aamina Faarax

'Bari Samaadkii'

Cajaladahan la helay waxa ay dib noogu celinayaan xili Soomaaliya ay ka jirtey xasilooni dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Inkasta oo uu dalka ku jirey xukun militari, haddane fanka waxa uu ahaa mid aad u bulaalay, waxaana hadda loo aqoonsan ogyahay casrigii qaaraamiga.

Muqdisho mar waxaa ku ooli jirey hoteeladii caanka ahaa sida Curubo iyo Jasiira, halkaas oo dhalinyarada ay ku xoomi jireen si ay ugu dheelaan qoob-ka-cayaar marka ay bandhigyada samaynayaan kooxihii Iftiin iyo Durdur.

Lahaanshaha sawirka Vintage Somalia Archives
Image caption Hoteelada iyo baararka waxa ay ahaayeen wax noloshada caadiga ka mid ah Muqdisho sanadihii 1970aadkii

Fanka Soomaalida waxa uu ahaa mid la wada qarameeyey nooc kasta oo uu yahayba, iyada oo dowladdii xiligaasi jirtey ay dooneysay in ay ku hanato midnimada dadka ku kala qaybsan qabyaaladda.

Shirkadaha wax duuba looma ogoleyn in ay heesaha iyo muusiga si iskood ah suuqa ugu iib geeyaan.

Masraxa qaranka ayaa waxa uu ahaa meesha kaliya ee lagu soo bandhigi jirey fanka noocyadiisa kala duwan, balse waxa uu fanka noqdey qalab uu adeegsaday xukunkii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre si uu borobagaandadiisa ugu fidiyo.

Kooxihii jirey sida Iftiin iyo Waaberi waxa ay ahaayeen kuwa suugaantooda ay ku salaysantahay waddaninimo.

Image caption Muqdisho waxaa ku yaala dhismayaal naqshado kala duwan ah

Mid ka mid ah heesahaasi waa tan Waaberi qaaday ee Obtoobar waa tee, waa tumaa?, waxayna noqotey hees caan ah maadaamaa loogu magacdaray maalintii uu xukunka la wareegey Maxamed Siyaad Barre 21-kii bishii Oktoobar, 1969-kii.

Lahaanshaha sawirka Vintage Somalia Archives
Image caption Dariiq ka mid ah waddooyinka Muqdisho 1970-kii

Heesta waxa ay sidoo kale soo taxaysaa dhacdooyin kale oo dhacay kadib afgambigii ciidamada ay sameeyeen.

Caruuraha iskuulaadka Soomaaliya oo dhan ayaa qaadi jirey heestan, iyada oo gaardiska ciidamada ay sidoo kale iyaguna qaadi jireen, waxaana si joogto ah looga siidayn jirey Raadiyoow Muqdishoow.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Waraysi: Mustafe Kiiko iyo fankiisa allifaadda laxannada

Heestii Oktoobar

Oktoobar waa tee? Waa tumaa?

Waa taa yadii.

Hadii ay tahay teenii taariikh ma leedahay oo maxaa lagu tilmaamaa?

Waxaa lagu tilmaamaa maalinti dhagax tuur Oktoobar.

Waxaa lagu tilmaamaa markaan caalan taagnay Oktoobar.

Waxaa lagu tilmaamaa towraddeena dhalatay 21 Oktoobar

"Markii aan dib u xusuusto, mararka qaar illin ayaa iga soo qubata" ayay tiri Maryan Mursal oo ka mid ah fanaaniintii caanka ahaa, "Isla hadda waa murugoodaa marka aan maskaxda ka sawirto sidii ay Muqdisho ahaan jirtey toddobaatanadii" ayay intaas ku dartay.

Ka hor intii aysan caan bixin , Maryan Mursal waxa ay ku guuleysataya tartankii Heesaha Hirgalay ee dalka oo dhan laga qaban jirey.

"Wax kasta waa ay noo yiileen Muqdisho, waxaan awoodnay in aan isaga kala gooshno magaalooyinka kala duwan ee dalka "ayay tiri Maryan Mursal.

Maryan iyo xubnihii kale ee ka tirsanaa kooxihii Durdur, Waaberi, iyo Shareero waxa ay u wada qaxeen dalka dibadiisa, halkaas oo ay illaa maanta ku noolyihiin.

Lahaanshaha sawirka Vintage Somalia Archives
Image caption Fikirka ay Soomaalida ka qabtay dumarka ayaa aad isu badalay markii lasoo gaaray sanadkii 1970
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Abwaan Boon Xirsi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Dhaanto

Sannadihii 1980-kii waxaa lasoo nooleeyey ciyaaraha iyo heesaha dhaantada oo markii hore ahaa wax miyiga ku kooban.

Asal ahaan waxaa la ciyaari jirey iyada oo aanan wax muusig ah ama qalab ah loo garaacin, kaliya jaan iyo cirib ayaa laga tumi jirey si laxan loogu yeelo.

Waxaa markii ugu horeysey dhaantada casriyeeyey kooxdii Shareero, iyada oo ay heesta qaaday fanaanadii Qadiijo Qalanjo.

Dhaantada waxa ay aad ugu egtahay heesaha loo yaqaano Raggae sida uu ku doodayo Cabdinaasir Caydiid oo muusiga u garaaca dhaantada, magaalada Hargaysa.

Casrigii dumarka

Xiligan waxa uu ahaa xiligii bulshada Soomaalida ay aqbashay fanaaniinta dumarka ah, iyada oo lasoo maray in xitaa codkooda la maqlo ay ahayd sheey u macaan sidii timirta oo kale.

Caweysyadii Muqdisho, dumarka heesa ayaa soo jiidan jirey taageerayaal ka badan kuwa ragga heesa.

"Markii hore dumarka qaarkood ayaa xitaa is qarin jirey, balse markii lasoo gaaray 1970-kii, isbadal ayaa dhacay, dadka waxa ay noqdeen kuwa furfuran oo aqbalay dumarka, lana qabsaday dumarka heesa" ayay tiri Khadra Daahir oo ka mid ah xiddigihii fanka Soomaaliyeed.

Ka hor intii aysan fanka kusoo biirin, Khadra Daahir waxa ay ahaan jirtey orodyahanad, waxa ay sidoo kale ciyaari jirtey kubbada laliska, iyada oo ka qeybgali jirtey tartanada gobolada.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Khadra Daahir on Somalia's 'miraculous' 70s arts scene

"Dib usoo nooleynta fanka

Kadib tobonaan sano oo tiiraanyo ah , Soomaaliya waxa ay hadda maraysaa xili dib usoo kabasho dhanka fanka iyo dhanka siyaasadaba ah.

Casrigii hore iyo heesihii qaaraamiga ahaa, Soomaalida uma ahan wax lasoo dhaafay oo kale, balse waxa ay u yihiin astaan rajo soo nooleyn ah iyo hiigsiga mustaqbalka.

Lahaanshaha sawirka Vintage Somalia Archives
Image caption Sawirkan waxa uu muujinayaa sidii uu u ekaa masrixii qaranka
Lahaanshaha sawirka Mahmud Abdalla Hussen
Image caption Labo ka mid ah dadkii ka midka ahaa fanka Soomaaliya