Dumarkii ugu badnaa oo ku biiray jaamacadaha UK

Hablaha 18 jirada ah ayaa tiradii ugu badnaa noqdey ardayda ku biirtey jaamacadaha UK sanadkan Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Hablaha 18 jirada ah ayaa tiradii ugu badnaa noqdey ardayda ku biirtey jaamacadaha UK sanadkan

Dumarkii ugu badnaa ayaa jaamacadaha ku biirey dalka UK marka loo barbardhigo ragga ay isku da'da yihiin.

Sida lagu sheegay tirakoob ay soo saareen jaamacadaha Britain, dumar gaaraya 133,280 oo 18 jiro ah ayaa jaamacadaha ku biirey UK marka la barbar dhigo 103,800 rag oo ay isku da'yihiin.

Waa tiradii ugu badneyd oo ebed la diiwaangaliyo , sida lagu sheegay warbixinta Laanta Adeegga Jaamacadaha UK ee Ucas loo yaqaano.

Xogta ayaa waxa ay sidoo kale muujinaysaa in uu jiro hoos u dhac gaaraya 6,600 arkay oo aanan jaamacadaha is qorin sanadkan marka loo barbardhigo sanadkii hore.

Warbixinta waxa ay intaasi ku daraysa in mid ka mid ah sababaha sare u qaaday tirada hablaha ay tahay in maadooyinka caafimaadka, gaar ahaan kalkaalisonimada oo ay aad u danaynayaan dumarka.

28-dii dumar oo kasta oo maadadan baranaya, ragga waxaa barta hal qof marka isbarbardhig lagu sameeyo.

Illaa 282,510 arday ayaa jaamacadaha is qorey sanadkan oo da'doodu kala duwantahay.

Waxbarashada dumarka, gaar ahaan heerka jaamacadeed ayaa ah mid aad u hooseysa adduunka kale, gaar ahaan qaaradda Afrika iyo waddamada soo koraya.