Kenya: Dad ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Bangal
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya: Dad ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Bangal

Ugu yaraan 9 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen shil gaari oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Gaarisa iyo Nairobi.

Gaariga oo bas ah ayaa wuxuu ka yimid magaalada Wajeer, wuxuuna gaari xamuul ah kula dhacay meel u dhaw deegaanka Bangal.

Dadka ku dhintay shilkaasi ayaa lagu soo warramayaa inay ka mid yihiin carruur iskuulay ah.

Zakariye Kaahiye Sheekh Daahir oo soo maray wadada uu shilka ka dhacay ayaa daqiiqado yar ka hor Axmed Nagaashe uga warramay waxa uu arkay.