Qalad ka dhacay Google oo Japan saameeyay

Haweeney haysato credit card Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption .

Google waxay qiratay in qadkeeda Japan uu go'ay taasna ay tahay waxa saameeyay dalkaas. Waxay arrintaas ka dhalatay qalad ay sameysay shirkadda wayn ee teknolojiyadda.

Dadkii booqan lahaa baraha bangiyada iyo kuwa game-ka ayaa loo diray in ay Google galaan, ka dib markii qadka uu go'ay.

Dadka bangiyada ka adeegsado internet-ka, kuwa bixinayay qarashka tareenada iyo baraha game-ka ayaa ka mid ah kuwa ay saameysay qaladka Google.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay "qalad dhanka isku xirka ah" inuu qaatay sideed daqiiqo, laakiin meelaha qaar uu ka maqnaa qadka saacado.

Nintendo waxay ka mid tahay shirkadaha ay arrinta saameysay, waxayna sheegtay in qad xumo ay jirtay, sidoo kale qadka tareenka ee isku xira bariga Japan ayey dhacdada saameysay.

Wasaaradda isgaarsiinta ee Japan ayaa sheegtay in ay baareyso qaladkaasi ka dhacay Google.

Shirkadda isgaarsiinta ee NTT ayaa sheegtay in 50 milyan oo macaamiisheeda ka mid ah ay Google dhan kale u leexisay.

Google ma awoodo inay gacan seddaxaad qad siiso, sida ay sheegtay wasaaradda.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan