Maxay tahay sababta madaxda Afrika ay dibadda ugu doontaan caafimaadka?

Maxamadu Buhari Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Nigeria Maxamadu Buhari ayaa ka mid ah kuwa dibadda caafimaadka u doonta

Wasiirka caafimaadka ee dalka Koonfur Afrika, Aaron Motsoaledi ayaa cambaareeyay hogaamiyayaasha Afrika ee dibadda qaaradda daaweynta u aada.

Hadalkaasi wuxuu ka jeediyay dalka Zimbabwe oo shir uu uga socda hay'adda caafimaadka adduunka WHO iyo wasiirada caafimaadka Afrika.

Mr Motsoaledi wuxuu tilmaamay in Afrika ay tahay qaaradda keli ah ee madaxdeeda ay baaritaan caafimaad iyo daawaba u aadaan dibadda.

Hadalkaas ayuu jeediyay waxyar ka dib markii uu shirka furay madaxweyne Robert Mugabe oo baaritaan caafimaad oo dhanka indhaha ah u aada Singapore.

Balse Mr Mugabe shirka ma uusan joogin xilliga uu khudbeynayay wasiirka caafimaadka ee Koonfur Afrika Motsoaledi.

Muddo sanad ah, shan madaxweyne oo Afrikan ah ayaa dibadda u aaday sababo la xiriira xanuuno.

  • Madaxweynaha Nigeria, Maxamadu Buhari
  • Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe
  • Madaxweynaha Benin Patrice Talon
  • Madaxweynaha Angola Jose Eduardo dos Santos
  • Madaxweynaha AlgeriaCabdicasis Bouteflika

Wargeys ayaa soo xigtay Wasiirka reer Koonfur Afrika oo dhahaya

"Hadda ka horna waan sheegay tan, hadana waan ku celinaayaa: Waxaan nahay qaaradda keli ah ee hogaamiyayaasheeda ay daawo u raadsadaan dibadda. Waa nagu ceyb taa. Taas waa dalxiis caafimaad. Waa inaan laameheena caafimaadka dhiiragelinaa."

Dadka u ololeeya arrimaha caafimaadka qaaradda Afrika waxay si joogto ah u cambaareeyaan madaxda dibadda u doonta adeegyada caafimaadka ee "dhabar jebiya midka gudaha".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan