Roob mahiigaan ah oo weli ka da'aya magaalada Houston

Kooxaha gurmadka waxay adeegsanayaan doomo

Biyaha fatahaadda ayaa la filayaa in ay sii kordhaan ayadoo weli uu roob ka da'ayo magaalada Houston ee Taxes.

In ka badan 30 kun oo qof ayaa guryahooda ka qaxay ka dib markii ay magaalada ay ku dhufatay duufaanta loo yaqaano Hurricane Harvey.

Sida caadiga ah, roob culus ayaa seddax maalmood ka da'a, ka dibna xagaayo ayaa billaabato. Laakiin roobka loo yaqaano Harvey ayaa hadda hoos u dhacay, waxaana saameysay duufaan illaa Louisiana.

Sidoo kale magaalada New Orleans - oo duufaan iyo fatahaad ay baabi'iyeen 2005-tii, hadda waxay isu diyaarineysaa daad kale.

Laanta saadaasha hawada ee Houston ayaa sheegtay in nawaaxiga iyo gudaha magaalada ay ka di'i doonaan roobab kale maanta oo Talaado ah.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu warramayaa inay ku dhinteen musiibada Houston. Waxaa ka mid ah dadkaas, lix qof oo isku qoys ah oo ka qaxayay biyaha fatahaadda, sida ay qaraabadooda sheegeen.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gawaari biyaha ku qarqameen

Taliyaha ciidamada magaalada ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay tirada maydadka ee la heli doono ka dib marka biyuhu qalalaan.

Magaalada oo ah tan afaraad ee ugu wayn Mareykanka, laguma amrin samata bixin ayadoo uu jiray walaac ah in 2.3 milyan oo qof ay qaxayaan taas oo sababi karto dhib iyo dad jidadka ku dhinto.

Waxaana suuragal ah in gawaarida qaar ee biyaha ay la tageen ay dad saarnaayeen.

Kumannaan qof ayaa guryahooda laga soo saaray. Dad badan ayaana xalay ku hoyday teendho weyn oo looga dhisay bartamaha Houston.

Kooxaha gurmadka ayaa isku deyaya in ay gaaraan dadka go'doonsan, halka barasaabka gobolka Taxes uu amray in 12 kun oo askeri ay ku biiraan samatabixinta.

Laanta Saadaasha Hawada ayaa dadka ka codsatay in aysan dhaqaaqin haddii meel badqab ah ay joogaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqan doono Taxes. Waxaana suuragal ah in uu gaaro Louisiana.

Wuxuu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ka jirto gobolladaas, iyo tallaabo dhaqaale gargaar loogu fasaxayo dadka ay musiibada ku habsatay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan