Nin loo ganaaxay war kutiri-kuteen ah oo la xiriiray guurka Dr Dre

Dr Dre waa mid ka mid ah fanaaniinta ugu taajirsan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dr Dre waa mid ka mid ah fanaaniinta ugu taajirsan

Nin u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa la ganaaxay ka dib markii uu faafiyay war aan la hubin oo ku saabsan in xaaska madaxweynihii hore ee dalkaas ay dooneysay in ay guursato fanaanka lagu magacaabo Dr Dre.

Ninka oo aan magaciisa la shaacin wuxuu sheegay in ujeedada guurka uu ahaa in lagu xalaaleysto "lacag lagu helay musuqmaasuq".

Wuxuu ninkaasi tilmaamay in lacagta uu lahaa hogaamiyihii hore ee dalkaasi Kim Dae-jung.

Xaaska uu ka dhintay madaxweynihii hore, Lee Hee-ho, waa 95 sano jir aad looga tixgeliyo Kuuriyada Koonfureed.

Maxkamad ayaa xukuntay in ninka uu ku xad gudbay "sumcadda madaxweynihii hore ee dhintay", waxaana lagu ganaaxay in uu bixiyo $4,400 oo dollar.

Ma cadda in warka noocaan ah ee jeceylka la xiriira, horey looga maqlay gudaha dalka Kuuriyada Koonfureed.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mrs Lee waxay booqatay Kuuriyada Woqooyi, laba jeer tan iyo markii saygeeda uu dhintay

Dr Dre - oo magaciisa runta ah uu yahay Andre Romelle Young, waa nin si weyn looga xushmeeyo fanka dhexdiisa.

Hadda wuxuu ka mid yahay fanaaniinta ugu taajirsan caalamka. Iibka qalabka electronic-ga ee muusigga ayuu ka sameeyay dhaqaale aad u badan.

Wuxuu ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka sanadkii 2000. Mana cadda in Mrs Lee ay taageero u tahay Dr Dre.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan