Xero digaaga lagu xanaaneeyo oo Muqdisho laga hirgaliyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xero digaaga lagu xanaaneeyo oo Muqdisho laga hirgaliyay

Cunista hilibka digaaga ayaa ku soo badanaya magaalooyinka Soomaalida gaar ahaan magaalada Muqdisho, laakiin digaaga laga cuno intiisa badan waxa uu ka yimaadaa dalka Brazil kaasoo safar dheer la soo galiyo.

Laakiin koox ganacsato Soomaali ah ayaa isku dayaya in laga kaaftoomo hilibka digaaga ee la soo dhoofiyo waxayna Muqdisho ka sameeyeen xero lagu xannaaneeyo digaaga oo hilibkiisa iyo beedkaba loo iib geeyo suuqyada magaalada.

Weriyaha BBC-da Ibrahim Maxamad Adan oo booqday xero digaagtaas ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.