Arsenal oo Man City ka diiday £50 milyan oo ay ku rabtay Sanchez

Sanchez Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sanchez

Naadiga Arsenal ayaa diiday dalab uga yimid kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City oo ay kawada dheelaan Horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaas oo ahaa in 50 milyan oo gini laga siiyo ciyaaryahanka afka hore ka dheela ee Alexis Sanchez.

Ciyaaryahanka 28 jirka oo 24 gool ka dhaliyay Horyaalka Ingiriiska sannadkii hore ayuu qandaraaskiisu ku eg yahay xagaaga soo socda, wuxuuna jecel yahay in uu u dheelo naadiga City ee uu tababaro Pep Guardiola.

Arsenal ayaa diiday xeelad kaste oo loo soo maray dalabka Sanchez , waxayse jeclaan lahayd in iyagana lagu soo wareejiyo Raheem Sterling haddiiba ay wareejinayaan ciyaar yahankooda inta ka horaysa Khamiista oo ah maalinta u dambaysa ee suuqa kala iibsiga.

Laakiin waxaa la fahamsan yahay in Guardiola uu danaynayo in uu si toos ah u iibsado ciyaaryahankaas, iyadoo aan shuruudo kale lagu xiraynin.

Sterling oo 22 jir ah oo afka hore uga dheela qaranka England ayaa ka soo muuqday saddexdii ciyaarood ee ay Manchester City dheeshay sannadkan.

Laakiin lama siinin hubaanti ah in uu ciyaaraha billaabidoono, ka dib markii ay kooxdu soo sixiixatay xagaagan Bernardo Silva oo kaga yimid dhanka Monaco.

BBC Sport waxay fahamsantahay in Sterling uu jeclaan lahaa in uu London dib ugu laabto haddiiba ay noqoto in uu qayb ka noqdo heshiiska Sanchez.