Sheekadan jacaylka een caadiga ahayn maxaa hawada Hindiya looga saaray

SONY TV Lahaanshaha sawirka SONY TV

Barnaamij telefishin laga baahin jiray oo ka hadlayay jacayl aan caadi ahayn oo dhex maraya wiil sagaal jir ah iyo gabadh 18 jir ah ayaa la joojiyay ka dib markii aad loogu dhaliilay in uu dhiirigalinayo guurka carruurta.

Weriyaha BBC Geeta Pandey oo ku sugan magaalada Delhi ayaa faahfaahinaysa wax aka caraysiiyay qaar ka mid ah dadka Hindida ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray telefishinka Sony Entertainment Television Talaadadii ayuu ku sheegay in uu joojinayo taxanihii maalinlaha ahaa ee Pehredaar Piya Ki.

Telefishinku wax faahfaahin ah kama uusan bixinin sababta loo joojiyay filimka, laakiin musalsalkan oo soo billawday bartamihii bishii Luulyo ayaa soo jiitay dhaleecayn faro badan tan iyo markii uu billawdayba, jacaylkan "aan caadiga ahayn" ayaana xudun u ahaa arrintaas.

Lahaanshaha sawirka SONY TV

Muranka filimka ayaa billawday markii mu'asasadda aan macaash doonka ahayn ee Jai Ho Foundation oo fadhigeedu yahay Mumbai ay maxkamad dacwad gaysay iyada oo xukuumadda ka dalbanaysa in si dhakhso ah loo joojiyo filimkan, iyada oo ku tilmaantay wax aan "anshaxa u wanaagsanayn" oo aan "ku haboonayn carruurta".

Baraha bulshada ayaa iyadana aad looga dhaliilay, maadaama oo dalka Hindiya ay ku badan tahay carruurta la guursado.