Iskuullada Muslimiinta Hindiya 'waa in ay bixiyaan casharada saxda ah ee Furriinka'

Wiilasha da'dooda u dhexeyso 5-15 sano ee dhigta iskuullada Islaamka ayaa la barayaa Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wiilasha da'dooda u dhexeyso 5-15 sano ee dhigta iskuullada Islaamka ayaa la barayaa casharadan

Hay'ad Islaami ah oo ka dhisan dalka Hindiya ayaa wiilashada bareyso "casharada saxda ah" ee furriinka ee la xiriira sida ay diinta Islaamka qabto.

Hay'adda oo lagu magacaabo Dargah-E-Ala Hazrat, oo maamusho 15 kun oo madaraso, ayaa ku dhawaaqday go'aanka ka dib amarkii maxkamadda ay ku joojisay furriinka seddaxda dalaaqo ee halka mar lagu wada dhawaaqo.

Culimada Muslimiinta ayaa furriinka noocaas ah ku tilmaamay mid aan xiriir la lahayn shareecada Islaamka.

Sheekh ka tirsan hay'adda ayaa tilmaamay in ay casharada ku dari doonaan qeyb dhan oo ka hadlaysa sida ninka uu xaaskiisa u furo.

Manhajdka hadda la baro caruurta, waxaa ku jiro casharo la xiriiro furriinka, balse ma ahan kuwo faafaahsan.

"Kullan ayaan u qabanay macallimiinta madaarista ka dib go'aankii maxkamadda, waxaana ku heshiinay in bulshada laga wacyigeliyo dhanka iskuullada iyo masaajidda loona sheego nooca uu yahay furriinka saxda ah," ayuu yiri Maulana Shahbudin Razvi, oo ka mid ah culimada xarunta Samiratmaj Mishra ee Hindiya.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa joojisay in seddaxda dalaaqo hal mar lagu dhawaaqo

Wuxuu intaa ku daray in furriinka Hindiya sida wayn uga jiro uusan waafaqsaneyn shareecada Islaamka.

Ma caddo da'da caruurta lagu barayo casharada furriinka, balse kuwa madaarista dhigto badankooda waxay jiraan 5-16 sano.

Madaarista waxaa u badan wiilal, waxaana la filayaa in farriimaha la baahiyo oo qoysaska la gaarsiiyo sida uu sheegay Rizvi.

Marka la sameeyo manhajka cusub, waxaa loo gudbinayaa dhammaan madaarista si ay u fuliyaan.

Qeybaha cusub ee manhajka lagu kordhinayo waxaa la filayaa in ay diyaar noqdaan bisha July ee 2018-ka, xilligaas oo iskuullada ay dib u furmayaan.

Ka dib go'aankii maxkamadda, waxaa jiro warar sheegayo in dumar Muslimiin ah ay booliska u dacwoodeen, markii hal mar lagu furay seddax dalaaqo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan