Maxaa sababa in shimbiraha aysan ka habaabin meesha ay u socdaan?

Shimbiraha qaar ayaa gala hayaan aad u dheer Lahaanshaha sawirka B. G. THOMSON/SCIENCE PHOTO LIBRARY
Image caption Shimbiraha qaar ayaa gala hayaan aad u dheer

Sanad kasta shimbiraha qaar waxa ay galaan safaro aad u dhaadheer oo badaha dushooda ah, iyada oo aanan ka habaabin halka ay u socdaan.

Tusaale ahaan nooc ka mid ah shimbiraha, waxa ay xiliga xagaaga ah ku nooshahay dalka UK, marka la gaaro dayrtana waxa ay u duulaan badda barafka ah ee Antarctic.

Sidaasi oo ay tahay seeynisyahanada wali ma hubaan sida rasmiga ah ee ay shimburuhu ugu suurtogasho in aysan ka habaabin halka rasmiga ah ee ay u socdaan.

Hase yeeshee cilmi-baaris cusub oo la sameeyay ayaa muujinaysa in dareenka wax urinta ama sanka uu kaalin wanaagsan ka qaato hayaanka shimbiraha ee badda dusheeda.

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacaddaha Oxford, Barcelona iyo Pisa ayaa dareemayaasha wax shiirinta ka saaray shimbiro, kuwaasi oo inkasta oo ay si fiican dhulka dushiisa u haleeshay meeshii ay u socotay, haddane waxa ay u muuqdeen in ay ka lumen marinkoodii badda.

Oliver Padget oo ka tirsan jaamacadda Oxford ayaa sheegay in shimburuhu ay ka mid yihiin sahmiyeyaasha adduunka ee ugu xeelka dheer.

Shimbiro diyaarad ku khasbay in ay deg deg u caga dhigato

Xaaladda duurjoogta dunida oo laga dayrinayo

Waxa daraasad lagu sameeyay illaa 30 shimbirood, kuwaasi oo buulalkooda ay ku yaalaan badda Mediterranean, balse xiliga aysan ugxaanka dhalin usoo qaraab doonta badda Atlantic, sida xeebaha Bariga Afrika iyo Bariga xeebaha Brazil.

Saddex qeyb ayaa loo kala saaray shimbiraha , qeyb waxaa laga saaray dareenka urinta, qeybna waxaa lagu rakibay bir qabato, qeybna waxaa lagu rakibaya qalab lagula socdo dhaqdhaqaaqooda.

Waxaa lala socday dhaqdhaqaaqooda marka buulkooda u hoyanayaan iyo marka ay qaraab tagayaan, waxaana la ogaaday in marka ay badda dul marayaan in ay ka lumaan marinkooda.

Seynisyahanada ayaa muddo dheer la fajacsanaa qaabka ay shimbiruhu ugu suurtogasho in ay masaafo aad u dheer duulaan.

Waxaase cilmi-baaristan lagu ogaaday in ay leeyihiin awoodo gaar ah oo ay u isticmaalaan sidii jiheeye oo kale, kuna kala gartaan halka ay u socdaan, halka ay marayaan iyo meesha noloshooda ku habboon.

Waxaa daraasadan lagu daabacay majaladda Scientific Reports.

Waxyaabaha xayawaanka laga barto ayaa aad u caawin kara nolosha bini'aadamka marka cilmigaasi loo isticmaalo horumarinta qalabka casriga ah sida gaadiidka iyo tiknoolajiyadda kale, sidaasi darteed cilmi-baarista noocan oo kale ah aad ayay muhiim ugu tahay waddamada horumaray.

Masas weerar ah oo halis geliyay jasiirad