Ciidamada Ciraaq oo iska caabin adag kala kulmay meel u dhow Tal Cafaar

Ciidamada Ciraaq oo duqeynaya Cayaadiya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Ciraaq oo duqeynaya Cayaadiya

Ciidamada Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay la kulmayaan iska caabin adag oo kaga imanaysa dagaalyahanada kooxda Daacish oo ku jira magaalo yar kadib markii ay ka carareen magaalada Tal Cafaar.

Mid ka mid ah saraakiisha u hadlay ciidada Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalka ka dhacaya magaalada Cayaadiya uu xitaa ka adagyahay kii ka dhacay magaalada Mosul.

Taliyeyaasha ayaa kor u qaaday duqeynta cirka iyo madaafiicda goobta, iyaga oo sidoo kale dalbaday gurmad.

Maalintii axadda ayay militariga sheegeen in ay xoreeyeen gabi ahaanba magaalada Tal Cafaar, halkaasi oo ahayd meeshii ay ku xoog badnaayeen kooxda Daacish.

Waxa ay ahayd todobaad hawlgalo waaweyn oo duulaan ah ay ciidamada Ciraaq ku qaadeen magaaladan. Kaas oo ay ka qeybqaataan ciidamo gaaraya illaa 50,000 oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada Ciraaq.

Saraakiisha ayaa sheegaya in boqolaal dagaalyahano ah oo ku hubeysan qoryaha toogta wanaagsan, mootarada, iyo gantaalada garabka la saarto ay fuuleen guryaha magaalada Cayadiya, taasi oo adkaysay in ay ciidamada horey u galaan magaalada.

Col. Kariim Al- Lami ayaa ku sifeeyey in la jiiro difaaca hore ee dagaalyahanada Daacish ay la mid tahay in la furey 'Albaabadii Naarta' oo kale.

Ma cadda in wax shacab ah ay ku hareen gudaha magaalada Cayadiya, balse Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in degmada Tal Cafaar ay ka qaxeen illaa 42,000 oo shacab ah laga soo bilaabo bishii April.

Haddii Daacish laga saaro degmadan waxa ay ka dhigantahay in Ciraaq oo dhan laga saaray marka laga reebo labo meelood oo kala ah magaalooyinka Xawija iyo Al-Qaym ee dhaca agagaarka wabiga Furaat.