Xujay sharcidaro ah oo sanadkan la qabtay

Kacbada Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kacbada

Maamulka dalka Sucuudiga ayaa sheegayo in 400 kun oo qof ay sanadkan si sharcidaro ah ku xajin lahayd laga joojiyay in ay xajiyaan.

Acmaasha Xajka ayaa maanta billaabatay, malaayiin qof oo Muslimiin ah oo daafaha caalamka ka socdo ayaana ka qeybgalayo.

Sucuudiga ayaa ogolaansho siiya xujayda si ay uga hortagaan isbuurasho iyo in Maka ay buuxdhaafto.

Dhowr goor oo hore ayaa isbuurasho ka dhacday Jaxka waxaa ku dhintay dad aad u badan.

Dadka ka shaqeysto Sucuudiga waxaa loo ogol yahay in shanti sanaba mar ay xajiyaan.

Laakiin dadka sida tahriibka ku gala waxaa lagu qabanayaa Baraha koontoroolada ee nawaaxiga Maka.

Sanadkan qiyaastii laba milyan oo qof ayaa gudanaya acmaasha xajka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
104 jijr xajinaysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Halkan ka daawo muuqaal ku saabsan Sucuddiga oo adkeeyay ammaanka goobaha xajka sanadkii 2016kii

Mowduucyada la xiriira