'Qiimaha hilibka' dameeraha Kenya oo sare u kacay

Shiinaha ayaa horey dameero badan uga qaatay Koonfur Afrika Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Shiinaha ayaa horey dameero badan uga qaatay Koonfur Afrika

Hay'ad udoodo arrimaha xayawaanka ayaa sheegtay in qiimaha dameeraha ee kenya uu seddax jibbaarmay lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Sabab u ah sare u kaca ayaa ah dalabka Shiinaha oo batay, halkaas oo dameeraha looga adeegsado dawo dhaqameed.

Sidoo kale, Shiinaha waxaa laga cunaa hilibka dameeraha oo loo arko mid aad u macaan.

Tirada dameeraha ku nool Shiinaha ayaa aad hoos ugu dhacday, waxayna taasi soo jiidatay suuqa Bariga Afrika, sida ay sheegtay hay'adda u dooda xuquuqda xayawaanka ee fadhigeedu yahay Ugandha.

Haragga dameeraha ayaa sidoo kale la kariya waxaana laga soo saaraan maado loo yaqaano Gelatin, oo ah dawo dhaqameed Shiinaha looga garanayo Ejiao.

Waxaa maadadaas lagu daaweeyaan hergebka, dhiig-yaraanta iyo daado wareerka, waxaana lagu iibsadaa illaa $388 dollar, kiiladii.

Dalal dhowr ah oo Afrika ayaa mamnuucay in dameeraha loo dhoofiyo Shiinaha, waxayna sheegeen in Suuqyada gudaha ay saameyneyso.

Waxaa lagu warramayaa in dameeraha qaar laga soo qaado dalalka deriska la ah Kenya, la qalo ka dibna Shiinaha loo dhoofiyo.

Dalalka mamnuucay waxaa ka mid ah Ugandha, Tanzaniya, Botswana, Niger, Burkina Faso, Mali, iyo Senegal.